War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti ayaa waxaa looga hadlay muwaadiniin dalkaasi u dhashay oo lagu dilay Gudaha Magalada Diridhaba ee dowlad deegaanada soomaalida Itoobiya.
War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka xun tahay dhibaayooyinka loo geystay muwaadiniinteeda ku sugan Magalada diridhaba,isla markaana saameyn ku yeeshay rabshadaha ka dhacay Magaladaas.
“Xukuumadda Jabuuti waxa ay cambaareyneysaa rabshadihii ka dhacay wadanka itoobiya gaar ahaan dhibaatoyinka loo geystay dadka reer Jabuuti oo u xagaay baxay Diridhaba,ka dib falalka dhagarta ah ee ka dhacay dalka itoobiya Madaxda Dowladda Jabuuti,waxay la xiriirtay madaxda dalkaas si loo xaqiijiyo amniga muwaadiniintena ku sugan dalkaas.
Sidoo kale war-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin xiriirka labada dal rabshadaha ka soo cusboonaaday Magaalooyinka Waaweyn  ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Gaba gabadii ayaa dowladda Jabuuti waxa ay ku wargelisay muwaadiniinteeda ku sugan magalada diridhabe in ay ka fogaadaan goobaha ay rabshadaha ka dhacayaan,isla markaana dhawaan ay bilaabi doonaan daadgureynta dadka ku sugan Magalada diridhaba.