Shirkad laga leeyahay dalkaas ee maamusha dekada Dooraleh oo horey looga mamnuucay Shirkada DP Worl ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay in magdhaw ay bixiso.
Madaxda Shirkadaas ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan ay diyaar u yihiin in Shirkada DP World ay u celiyaan Saamigii ay ku laheyd dekada Doraleh oo dhan Boqolkiiba 33.
Guddoomiyaha Dekadaha iyo Aagga Cashuurta ka Caaggan ee Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi ayaa sheegay in dhawaan ay shir isugu imaan doonaan madaxda labada shirkadood,iyaga oo kawada hadli doona sidii Shirkada DP World ugu celin lahaayeen intii ay saami ahaan u helaan markii la-xisaabtamo.
Waxa uu sidoo kale been abuur ku tilmaamey,isaga oo sii hadlayey warar Warbaahinada qaar ay sheegayeen oo aheyd in booskii ay ka baxday Shirkada DP World lagu wareejinayo Shirkad laga leeyahay Wadanka Shiinaha.