Dowladda Dhexe ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay Militeriga Federaalka Itoobiya.
War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan, waa sida hadalka loo dhigay, waxaa kale oo lasoo tebiyay inay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.
Hoggaanka Al-Shabaab ayaa dhankooda horay u sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada labo jeer ka dhacay deegaannada xadka u dhow, isla markaana ay sheegeen in Ciidanka Liyuu Boolis ka dileen dagaalamayaal ku dhow 90 Askari.
War-saxaafadeedka ayaa si buuxda ugu saabsan faahfaahinta dagaalladii isxigay ee ka dhacay magaalooyin u dhow xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Xogta lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda lagu soo warramay in uu si goos goos ah u socdo ayaa isagana lagu dilay Al-Shabaab ay tiradoodu gaarayso 209 xubnood, sida lagu sheegay warkan kasoo baxay dowladda Federaalka Itoobiya.