Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Irland, Hugh Tully ayaa Xaqiijiyay inay Markab dagaal ku soo biirin doonaan Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe “EU†ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.
Taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska The Irish Examiner ayaa rajo buuxda ka bixiyey in Xukuumadda Ireland oggolaan doonto in Khadka Cagaaran la shido, si ay Mariniska ugu biiraan Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.
Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Irland, Hugh Tully waxa uu xusay inay doonayaan inay kaalin wanaagsan ka qaataan Badbaadinta Maraakiibta Caalamiga ee isticmaala Baddaha Soomaaliya.
‘Waxaan doonaynaa inaan caawino dadka ku macluulsan Soomaaliya, si ay u helaan cunto ay afka gashtaan†ayuu sii raaciyey Taliyahaasi.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ireland, Simon Coveney ayaan la ogeyn inuu Mooshinkaasi u gudbiyo Xukuumadiisa, si ay ugu codeeyaan inay Ciiddanka Badda ku biiraan Hawlgalka EU-da ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Soomaaliya.
Haddii ay Dowladda Ireland u codeyaan Mooshinka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Badda dalka Ireland qeyb ka noqdaan Hawlgalka Mariniska Midowga Europe (EU Navy Forces) ee La-dagaalanka Burcad-badddeeda ka qowleysata Baddaha Soomaaliya.
Hawlgalka Atalanta ee ay Mariniska EU-da ka wadaan Xeebaha dalka Somalia,waxa uu bilowday bishii December ee sannadkii 2008-dii, waxayna kaalin ka qaataan La-dagaalanka Burcad-baddeda iyo gelbinta Maraakiibta shxinadaha gargaarka keena dalka Soomaaliya.
Â