Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta la kulmay Safiirka Finland Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray xiriirka labada dal, iskaashiga laba geesoodka ah iyo arrimo badan oo Finland ay ka caawiso Soomaaliya.
Qodobbada lasoo qaaday waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dhismaha maamulka deegaanka iyo Xasilinta oo ah meelo ay dowladda Finland uga is qeyb qaadato dowlad dhiska Soomaaliya.
Dhankiisa safiirka Jamhuuriyadda Finland Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola ayaa sheegay sida dalkiisu uga go’antahay taageerrada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey in saxiibada Soomaaliya ee caalamka ay dhiirigelinayaan dadaalka iyo hindisaha dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay dowladda Finland sida ay garab istaag ugu sameysay Soomaaliya muddo dheer, gaar ahaan doorka ay ka qaadatay dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladaha hoose, waxaa uuna xusay in wasaaraddiisu ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaan hey’adaha laga leeyahay Finland ee mashaariicda kala duwan ka wada gudaha Soomaaliya.