Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Mohamed Mukhtar Ibrahim  ayaa ifaafaalo wanaagsan ka bixiyey rajadda laga qabo Hawlaha sahminta iyo soo-saarka Shidaalka ee Somalia.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu dalka Somalia ka soo kabanayo colaadihii iyo burburkii, isla markaana ay jiraan fursaddo badan oo looga faa’ideysan karo Kheyraadka Dabiiciga ee uu Rabbi ku galadeystay dalkeenna.
“Waan soo dhaweynaynaa Maalgashadayaasha iyo Shirkadaha Caalamka, waxaana loo baahan yahay inay garwaaqsadaan Fursadaha dahabiga ee Somalia†ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray in rajo dhiiri-gelin leh ka soo baxeen Sahminta Shidaalka iyo Gaaska ku jira Badda iyo Berriga Somalia.
Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in Kheyraadka Dabiiciga kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Kobaca Dakhliga Gudaha ee Dowladda Federalka, isla markaana aysan Dowladda Federalka ku degdegi doonin Heshiisyo wax u dhimi kara awoodda Dakhli-abuurka Dowladda Federalka Somalia.
Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumadda Federalka Somalia, waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Federalka Somalia wax Heshiis lagu wadaagayo Wax-soo-saarka (Production Sharing Agreement) la gelin Shirkad keliya oo dhinaca Shidaalka.
“ Waa Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in ay Dowladda Somalia iyadoo indha xiran iska gelayso Heshiisyo la xiriira Shidaalka iyo Gaaska†ayuu yiri Wasiirka oo hoosta ka xariiqay in 100% Kheyraadka Dabiiciga uu ku jiro gacanta Ummadda Somaliyeed.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited, Michael Howard soo bandhigay Qorshe qabyo ah oo la xiriira Heshiis ay la geli doonaan Dowladda Somalia, oo ku adaan Saami-qeybsiga Shidaalka Somalia, ee la filayo in la iib-geeyo sannadka 2020-ka.
Micahel Howard oo horey Mudane uga ahaan jirey Xisbiga Konserfatiifka ee dalka Britain ayaa sheegay inay doonayaan inay Dowladda Federalka Somalia  ballanqaado inay bixin doonaan 90% Kharajka Sahminta Shidaalka laga baarayo Berriga iyo Badda Somalia.
Sidoo kale, Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited, waxay soo bandhigtay haddii uu halkii Fuusto oo shidaalka gaaro qiimihiisu 70 Dollar ilaa 150-Dollar inay Shirkadda heli doonto macaash dhan 70% wax soo saarka ugu horreeya ee 25,000 oo Fuusto.
Wargeyska The Blooomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Qoraalka Qabyadda ee Kharajka Wax-soo-saarka iyo Saami-qeybsiga Shidaalka Somalia ee ay la geli doonaan Dowladda Federalka Somalia.
© Warqabadka Dalsan Radio