Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Somalia ayaa soo saartay War Saxaafadeed ay kaga hadashay Baaritaanka ay Britain ku hayso musuq lagu eedeynayo Shirkadda Soma Oil and Gas oo baaritaan shidaal ka wada Xeebaha Somalia.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Somalia diyaar u tahay inay gacan ka geystaan baaritaanadda lagu hayo Shirkaddaasi oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda London.
Shirkadda Soma Gas and Oil waxay horey Dowladda Somalia ugu soo bandhigtay Heshiis Saami-qeybsi la xiriira baaritaanka iyo soo-saarka shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Somalia.
Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayaa inayShirkadda qaadan doonto 90% macaashka ka soo xeroon doono Shidaalka Somalia ee mustaqbalka la iib geyn doono.
Dowladda Somalia waxay ku kharaj gareysay 40 million oo Dollars hawlaha sahminta ee ay Shirkaddaasi ku baarayso ugu yaraan 60,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ku yaalla Xeebta Somalia.
Wasaaradda Batroolka ee Dowladda Somalia waxay sheegtay inay Shirkadaasi la saxiixdeen Heshiiskaas, inkastoo aysan faahfaahino dheeraad ah ka bixinin Heshiiskaasi.
Dhinaca kale, Xafiiska Britain ugu qaabilsan Baaritaanka Musuqa ee SFO ayaa Jimcihii la soo dhaafay shaaciyey inay baaritaano ku hayaan Shirkadda Som Oil and Gas Holdings Limited, Soma Mahagement Limited iyo kuwo kale, kuwaasi oo lala xiriirinayo eedeymo ku saabsan musuq maaliyadeed oo ka dhacay gudaha dalka Somalia.
Madaxa Shirkadda Som Gas and Oil waxa uu beeniyeen eedeymahaasi, wuxuuna ballan qaaday inay Xafiiska SFO kala shaqayn doonaan baaritaankaasi.
© Radio Dalsan