Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha ku aaddan daryeelka iyo degganaanshaha dadkii ay dhawaan kala soo wareegtay maamulka SSC-Khaatumo, kuwaasoo ku xirnaa muddo ku dhow labo sano.
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa sheegay in dadkaasi aan hadda loo aqoonsanayn maxaabiis balse ay yihiin dad xor ah oo haatan baaritaanno caafimaad lagu hayo si loo hubiyo xaaladooda caafimaad.
“Maanta maxaabiis ma aha, waa dad xor ah, caafimaadkoodana si wanaagsan ayaa loo daryeelayaa,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabada ugu horreysa ee ay dowladda qaaday ay tahay dejin rasmi ah oo lagu caawinayo si ay si dabiici ah ugu laabtaan noloshii caadiga ahayd. Waxaa la qorsheynayaa in la xiro xiriir la leh ehelkooda, sidoo kalena lala xiriiro Somaliland si dadkaas loogu wareejiyo halka ay kasoo jeedaan.
“Arrintani waa fariin nabadeed, waana dadaal dowladda federaalka ah ay waddo si loo muujiyo wadashaqeyn iyo is-afgarad u dhexeeya dhammaan dhinacyada,” ayuu wasiirka hadalkiisa ku daray.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay maamulka SSC-Khaatumo, isagoo ugu baaqay Somaliland inay tallaabo la mid ah qaaddo si loo sii xoojiyo nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.