Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa soo saaray Digniin ku socota kalluumeysatada ka jilaabata xeebaha dalka.
Agaasime Dhagaxtuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in laga bilaabo Maanta la galay xillaga bad-xeranka oo lagu jirayo ilaa 15-ka bisha 9-aad 2022, ayna ku wargelinayaan kalluumeysatada oo badda u doonta kalluunka.
Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda ayaa waxaa uu kalluumeysatada Soomaaliyeed uga digay inay tagaan meelaha fog-fog ee gudaha badda inta lagu jiro bad-xiranka, isagoo tilmaamay in arrintaas ay ka dhalan karto xaalad khatar ah.
“Waxaa maanta bilaawday xillaga bad-xeranka waxaana uga digeynaa kalluumeystada inaysan tagin meelaha fog fog ee gudaha badda† ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha oo sheegay in kalluumeysatada wadata doomaha yaryar aysan ku fogaan gudaha badda.
Inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ayay Kalluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan khasaarooyin is kugu jira mid Naf iyo Maal, iyadoona mararka qaarkood dhacda in gudaha badda lagu waayo doomo iyo kalluumeysata la socota.