Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo in muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha xeebaha dalka Jasiiradda Madagascar dib loogu soo celiyo dalka. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada 22-ka ruux ee masiibadani ku dishey, isagoo si gaar ah uga tacsiyeynayay geerida dadkaasi.
Mudane Daud Aweis, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda, isagoo sheegay in 70 qof oo Soomaali ah ay saarnaayeen labo dooni, kuwaasi oo ku safraayay xeebaha Madagascar. Waxaa uu sheegay in 22 ka mid ah muwaadiniintaasi ay geeriyoodeen, halka 48 kale ay ku guuleysteen in laga badbaadiyo, waxaana gacanta ku haya dowladda Madagascar.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Madagascar ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii muwaadiniintaasi dib loogu soo celin lahaa. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal adag ku bixineysaa sidii muwaadiniintaasi loogu soo celin lahaa dalka, si degdeg ah oo ammaan ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta. Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay si dhaw ula socon doonto xaaladda dadka badbaaday, isla markaana ay taageero bixin doonto dhammaan dadka ku dhaawacmay masiibadaas.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay arrinta tahriibka, isagoo sheegay in tallaabooyin adag laga qaadi doono dadka muwaadiniinta Tahriibiya ee masiibooyinka noocan oo kale keena. “Tahriibka wuxuu halis ku yahay nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaa muhiim ah in la helo xal u adeega dadka si ay u helaan fursado ku habboon gudaha dalka, si ay u baajiyaan khataraha socdaallada halista ah,” ayuu yiri Mudane Aweis.
Xaaladda ka taagan Madagascar ayaa noqotay mid si weyn uga qaylisay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraayay waddankaasi ay halis weyn ugu jiraan safaradii tahriibka ee aan sharciga waafaqsaneyn. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay qaado tallaabooyin xooggan oo lagu joojinayo tahriibka iyo khataraha ay la socoto, isla markaana si degdeg ah u soo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban gudaha iyo dibadda.
Masiibadan ka dhacday Madagascar ayaa si weyn u muujinaysa halista tahriibka iyo baahida loo qabo in la xoojiyo wacyigelinta iyo ka hortagga tahriibka. Dowladdu waxay sidoo kale ballanqaadday inay dardar gelin doonto dadaalada loogu talagalay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu heli lahaa fursado nololeed oo ammaan ah oo gudaha dalka ah.