Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah mar kale Shir ku yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Kulankan oo ah mid heer farsamo ayaa la filayay inuu shalay ka dhaco Muqdisho, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, kadib markii dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika isku fahmi waayeen ajendaha looga hadli lahaa kulanka.
Kulanka Maanta ayaa waxaa shir guddoomin doona sida uu qorshahu yahay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika Fiona Lortan.
Sababta keentay inuu baaqdo kulankii shalay ayaa ah, kadib markii Dowladda Federaalka ka hor timid baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ee la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ee ciidanka Midowga Africa.
Sidoo kale xubnaha ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa iyaguna dhankooda ku adkaystay qodobbada Baaqa AU PSC ee 07/10/2021, ma jirin tanaasul labada dhinac ay sameeyeen si, is-afgarad loo gaaro.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Africa ayaa la filayaa in Maanta xal u helaan is-afgarad la’aanta ka dhex jirta labada dhinac, isla markaana laga gudbo xaaladda cakiran ee jirta.