Afhayeenadda Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain ayaa sheegtay inay maqleen wararka sheegaya in Muwaadin British ah lagu dilay weerar Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray gudaha Kenya.
Afhayeenadda waxay intaasi ku dartay inaysan xilligan xaqiijin karin warkaasi.
Ninkaasi oo la oran jirey Thomas Evans ayaa la baxay magaca Abdihakiim markii uu soo muslimay, wuxuuna Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo biiray sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo uu ka soo socdaalay magaalladda uu ku dhashay ee Buckinghamshore ee Koonfurta England.
Saraakiisha Milliteriga Kenya ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u ogaan laahaayeen in ninkaasi lagu dilay dagaalkii cuslaa ee shay Ciiddanka Kenya iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ku dhex maray meel ku dhow Xero Ciiddan oo ku taalla Laamu.
Hooyadiisa Sally Evans ayaa sheegtay inuu wiilkeeda muslimay sannadkii 2009-kii, kadibna uu u safray dalka Kenya, si uu ugu soo barto Luqadda Carabiga.
Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay rumeysan yihiin inay Jihaadiste British ka mid ahaa Dagaalyahanno Alshabaab oo ku geeriyootay iska horimaad ay la galeen ciiddanka Kenya.
Afhayeenka waxa uu sheegay inay xogaha ay hayaan oo ay ku jiraan sawirro muujinayaan in uu ninka la dilay ahaa Thomas Evans oo loo yaqaano C/xakiim.
Waxa uu intaasi ku daray inuu weli socdo baaritaanka hiddo-sidaha DNA-da, si loo xaqiijiyo sugnaanshaha geeridiisa.
Dhinaca kale, ilaa 50 dagaalyahanno British ayaa la sheegay inay ku biireen Dagaalamayaasha Alshabaab, kuwaasi oo ka qeyb gala Hawlgalladda ay Alshabaab fuliyaan.
© Warqabadka Dalsan Radio