Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu soo dhamaystay Booqasho rasmi ah oo uu ku tegay Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, wuxuuna tilmaamay in la kordhin doono Taageeradda la siiyo Hawlgalka ka socda Somalia ee AMISOM..
Xoghayaha waxa uu ammaanay doorka ay Uganda ka qaadato Hawlgalkaasi, wuxuuna xusay inay Britain sii kodhinayso Taageeradaasi.
“Xiriirka Difacaa ee aan Uganda la leenahay waa mid aad u xooggan, waxaana aqoonsanahay Qaaraanka ee ay u samaynayaan sidii Nabad iyo Deganaansho looga dhi=alin lahaa Bariga Afrika, iyadoo si khaas loogu sii gudbinayo AMISOM. Waxaana la qeybsanaa Rabitaankooda Nabadda Gobalka†ayuu yiri Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, oo intaasi ku daray inay baadi-goobayaan qababka loo siin karo Raageerada dheeraadka.
Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni oo ay isla eegeen Qaaraanka Britain ka geysato Hawlgalka AMISOM iyo kan ay Nabad-ilaaliyayaasha QM ka wadaan dalka Koonfurta Suudaan ee  loo yaqaano UNMISS.
Xoghayaha Difaaca ee dalka Britain, Mark Lancaster waxa kale oo uu la kulmay Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda.