Golaha Wasiiradda ee dalka Baxrayn ayaa yeeshay Kulan ay kaga arrinsanayeen Kooxaha Hubeysan ee Maxaliga, kuwa Heer Gobaleedka iyo kuwa Heerka Caalamiga, waxayna shaaciyeen inay 68 Ururo iyo Kooxo Islaami ah u aqoonsadeen Kooxaha Argagixisadda.
Boqorka dalkaasi, Khaliifa Bin Salamaan Al-khaliifa ayaa guddoomiyey Shirkaasi oo lagu qabtay Qasriga Alqadiibah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Manama.
Warbaahinta dalkaasi iyo kuwa Dalalka Khaliijka ayaa lagu baahiyey Kooxaha ay Dowladda Baxrayn u aqoonsatay Kooxha loogu yeero Argagixisadda, waxaana Kooxahaasi ka mid ah:- Alshabaab, Alitixaad Islaamiya Somalia, Daacish, Alqaacida, Boko Haram, Daalibaan, Alqaacidada Gacanka Carbeed ee AQIM, Xisbullaahi Lubnaan, Alnusra Front, Xarakatul-mujaahidiin, Abu Sayaaf, Ansaarul-islaam, Xarakatu Usbakistaan, Jeysh Maxamed, Alqaacidada Waqooyiga Afrika, Mu’asasa Alxaramayn Alkheyriyah, Mu’asasa Alixsaan Alkheyriyah, Jamaacatu Towxiid Wal-jiid, Saraaya Muqaawamatu Alshacbiyah iyo kuwo kale.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Baxrayn ayaa soo saartay Liiskaasi, xilli ay Kacdoono ka socdaan gudaha dalkaasi, oo ay Dowladda Iiraan maalgelinayso si xilka looga tuuro Boqorka haatan ka taliya Baxrayn, Khaliifa Bin Salmaan Alkhaliifa.
http://www.alriyadh.com/1146014
Xigasho:alriyadh.com
@Radio Dalsan