Dowladda Australia ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah dalkooda uga  masaafuriyeen Haweeney Somali oo magaceeda lagu soo koobay Abyan.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Haweeneydaasi dib loogu celiyey Xarunta lagu hayo dadka Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Nauru.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay in Diyaarad Khaas oo nooca Samafalka looga qaaday Garoonka Diyaaradaha ee  magaalladda Sydney, iyadoo ilaa Axaddii lagu hayey  Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee Villawood.
Haweeneydaasi ayaa u timid dalka Australia, kadib, markii ay codsatay in gacan laga siiyo sidii looga soo xaaqi lahaa uur ay qaaday bishii July ee sannadkan, kadib, markii lagu kufsdaday Xarunta Xarunta lagu hayo dadka Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Nauru.
Garyaqaan George Newhouse oo u doodayey Haweeneydaasi ayaa sheegay in Abyan oo 23 jir si khasab ah lagu celiyey, iyadoo aan laga soo xaaqin uurka.
Garyaqaanka waxa uu ka codsaday Waaxda Socdaalka Australia inay faahfaahin ka bixiyaan sababaha loo masaafuriyey Abyan, looguna celiyo Jesiiradda Nauru oo horey loogu soo kufsaday.
Haweeneydaasi waxay horey si rasmi ah uga codsatay Ra’isul-wasaaraha dalka Australia, Malcolm Turnbull in loo oggolaado inay u soo safarto Dalweynaha Australia, si ay ula xiriirto Isbitaalladda.
Afhayeenka Isbahaysiga Qaxootige ee The Refugee Action Coalition, Ian Rintoul ayaa sheegay in Haweeneydaasi la masaafuriyey, xilli ay Garyaqaanadda diyaarinayey qorshe looga hortagayo in Haweeneydaasi dib loogu celiyo Jesiiradda Nauru.
Dhinaca kale, Wargeyska The West Australian ayaa qoray in Abyan ka gaabsatay inay u tagto Dhakhaatiir ay la ballansanayd maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, taasi oo loo qaatay inay ka laabatay qorshihii looga soo xaaqi lahaa Uurka.
© Radio Dalsan