Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Australia ayaa lagu sheegay inay  Somalia ku taageerayaan Kaalmo Dhaqaale oo dhan 5 million oo Dollar, taasi oo wax loogu qabanayo Dadka Soomaalida ee dhibaatadda kala kulmay Abaaraha iyo Colaadaha weli socda.
Dhinaca kale, Dowladda Australia waxay sheegtay inay Dowladda Ethiopia siinayaan 10-million oo Dollar oo dheeraad ah si wax looga qabto Abaaraha daran ee dalkaasi.
Lacagta Dheeraadka ee la siiinayo Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay in loo adeegsan doono Arrimaha  Cuntadda, Taageeridda Nafaqadda, Caafimaadka iyo Adeedyadda Faya-dhowrka.
©Radio DalsanÂ