Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Suudaan waxay maanta si kulul u beenisay in Muuqaalka Video-ga ee Kufsiga ka dhacay  wax xiriir ah la leeyahay dalkoosa hooyo iyo in Muuqaalkaasi arxan-daran ah uu ka dhacay Waddooyinka ku yaalla caasimadda Somalia ee Muqdisho.
U-qeybsanaha Warbaahinta ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalladda Khartoum, Maxamed Maxamuud Fiidow waxa uu Wargeyska Al-tayyar maanta oo Khamiis ah u sheegay inaan dalkiisa lagu samaynin Muuqaalka Video ee aadka u qallafsan.
Waxaa la isla dhex marayaa in Muuqaalkaasi ku lug leeyihiin dad u dhashay Suudaan, balse, waxay iyagana ku soo riixeen in Muuqaalkaasi lagu sameeyey gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Wargeyska Al-tayyar ee ka soo baxa magaalladda Khartoum waxa uu qoray inaysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha War Rasmi ah ka soo saarin dhacdadaasi oo labadii maalmood ee la soo dhaafay aad u ruxday Warbaahinadda dalkaasi iyo kuwa ay Bulshadda ku wada xiriiraan.