Dowladaha taakuleeya Dowladda Somalia ayaa ka fekerayo inay bedelaan Istaraatijiyadda Kharajka ay siiyaan Ciiddanka dowladda Federalka, waxayna soo saaray hadal ay kaga niyad jabsan yihiin Horumar la’aanta Ciiddanka Dowladda ee dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.
Dowladaha Deeq-bixiyayasha oo ay ka mid yihiin Britain, Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxa ku sii kordhayo Rajo-xumida ku aadan inaysan Ciiddanka Dowladda weli diyaar u ahayn inay sugaan Ammaanka, marka ay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka baxaan gudaha Somalia.
Dowladaha Deeq-bixiyayaasha ayaa tilmaamay inaysan Falal dhiirigelin laga arkin waxa ay ugu yeereen Jeneraaladda Xilligii Dowladdii Shuuciga ee Somalia ee musuqa badan, kuwaasi oo haatan maamula Ciiddanka Dowladda Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyo ku dhowdhow Dowladaha Deeq-bixiyayaasha ayaa sheegay inay doonayaan inay Kharajka ay ku maalgelin jireen Ciiddanka Dowladda inay u wareejiyaan Ciiddanka Maamul-gobaleedyadda ee loo yaqaaano “Daraawiishtaâ€.
Dowladaha ay ka midka yihiin Maraykanka, Britain iyo Imaaraadka waxay rumeysan yihiin inay Ciiddanka Daraawiishta ku wanaagsan yihiin inay la dagaalamaan Xarakadda Al-shabaab.
Dowladaha Deeq-bixiyaasha waxay Malaayiin Dollar ku bixiyeen Mushaaraadka iyo Qalabaynta Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Nabad-ilaalinta AMISOM oo iyaga tan iyo sannadkii 2007-kii dagaal aan lagu kala bixin kula jira Xarakadda Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda xilliga ay Dowladaha Deeq-bixiyayaasha dhaqan gelin doonaan Qorshaha ay ku maalgelin doonaan Ciiddanka Maamul-gobaleedyadda si ay ula dagaalamaan Xarakadda Alshabaab.
©Radio Dalsan