UNICEF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maxkamad militari oo ku taalla Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay carruur aan wali qaanqaarin.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”
Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.
“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen.
“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.
“Qiraalkooda iyo baaritaankooda ayaa isla caddeeyay inay dinuubtaas galeen racfaana loo ogolaaday muddo saddex sana ah oo waliba mar labad iyo mar saddexaad dib loo maxkamadeeyay si baaritaanka intii uga sii xaqiiqo bato haddi ay helaan wax xujooyiin ah oo ay isku difaaco helaanloo ogaalay oo fursad la siiyay,” ayuu yiri Mr Ceydiid.
Waxay ahayd 17-kii bishan markii dil toogasho ah lagu fuliyay 10 dhalinyaro ah oo sida ay maxkamadda sheegtay lagu helay in ay al-Shabaab ka tirsanaayeen ayna ku lug lahayeen dilal ka dhcay magaalada Galkacyo.