RW Suudan, Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa waxaa uu la kulmay ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani oo maalmahan booqasho ku joogay Khartoum.
Qaabilaadaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Suudan ayaa loo gudbiyey dhambaal Qoraal oo uu u soo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay Xiriirka labada dal, Taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Jaasim Al-Thani oo ka hadlay Shir Jara’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Suudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi ku qabteen magaalladda Khartoum ayaa waxaa uu shaciyey inay Qatar dhexdhexaadin doonto Suudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.
Waxa uu sii raaciyey inay rajeynayaan in xalinta Xiisadahaasi loo mari doono wada-xaajood iyo Xiriir Diplomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia. Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay inay ka laabatay dadaalkii Dhexdhexaadinta ee ay ka dhex waday Sudan iyo Ethiopia.
W/Q: Ustaad Nuradin