Sarkaal ka tirsan Guddiga Doorashadda ayaa sheegay in dib loo dhigay Doorashadaasi, iyadoo uu Musuqa iyo Handadaada horey u hareysay Doorashadda.
Sarkaalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Associated Press “AP†ayaa sheegay in Cod-bixintaasi horey loogu dhawaaqay inay dhacayso bishan December28-ka oo ku beegan maalinta Arbacadda ee soo socota, balse la filayo in la qabto bisha soo socota ee January 24-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Sidoo kale, Sarkaalkaasi ka tirsan Guddiga Doorashadda oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda ayaa tilmaamay in Guddoomiyaha Barlamaanka la dooran doona bisha January 4-da ee sannadka soo socda, iyadoo Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ayaa la filayaa in la dhaariyo maalinta Arbacadda ee soo socota.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka weli  Waqti Cayiman uma qabanin Doorashadda Madaxtinimadda ee Somalia.
Xigasho: AP
©Radio Dalsan