Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa diiwaan-geliyay Musharaxiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP140 oo sanadihii lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Cabduqaadir Cosoble Cali oo sidoo kalen ah Musharax Madaxweynaha dalka.
Doorashada kursigaan ayuu qorshahu ahaa in shalay ay ka dhacdo Jowhar, hayeeshee ma qabsoomin, balse Maanta ayaa la filayaa inay dhacdo oo mar kale kursiga Golaha Shacabka HOP140 uu kusoo baxo Cabduqaadir Cosoble.
Maamulka Hirshabeelle ayaan weli dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana ku harsan 6 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar, iyagoona soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Magaalada Baladweyne.