Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ka bilaabato doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga doorashada Puntland ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah 11 kursi oo horey Guddiga u soo saareen, waxaana doorashada kuraasta qaar ay yihiin kuwo lagu loolami doono.
Kuraasta doorashadoodu Maanta ka dhaceyso Garoowe ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin #Hop196, #Hop166, #Hop249, #Hop200 iyo kursiga Hop235 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda xilgaarsiinta.
Doorashadan ayaa waxaa sida uu qorshahu yahay goobjoog ka noqon doona Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada Maamulka Puntland, waxaana doorashada ay bilaaban doontaa saacadaha soo socda.
Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta lagu qabanayo doorashada kuraasta ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee Puntland.