Doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya saddexda kursi ee Golaha Shacabka, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxtinimo ee tartanka.
Kuraasta doorashadooda ka dhaceyso Galmudug ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin Hop#147 oo ay ku tartami doonaan Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.
Kursiga Hop#035 ayaa loo diiwan-geliyay inay ku tartamaan Cabdullaahi Axmed Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee howlaha Guud ee Maamulka Gobolkaan Banaadir, halka kursiga Hop#055 ay ku tartami doonaan Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.
Maamulka Galmudug ayaa doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku wada si dardar leh, waxaana Magaalada Dhuusamareeb ka dhacday doorashada Xildhibaano farabadan…