Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah lagu soo gaba-gabeeyo doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka SOomaaliya ee Hirshabeelle.
Doorashada Saddex kursi ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa Maanta la dooran doonaa Musharaxiinta ku tartameysa, kadib markii muran hareeyay doorashada kursigii labaad ee shalay qorshaysnaa in la doorto.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa sheegay in doorashada lasoo gaba-gabeyn doono, isla markaana Xildhibaanadii xalay buuqa iyo fowdada ka sameeyay howlka doorashada laga qaadi doono tallaabo.
Doorashada kursiga labaad ee xalay ka socotay Jowhar ayaa waxaa hareeyay muran, iyadoona la arkayay Xildhibaano diidan sida ay wax u dhaceen, iyadoona xaaladda markii dambe gaartay gacan ka hadal sababay in hawada laga saaro Telefashinadii tooska u tebinayay, waxaana kursigas ku tartamayey shan Musharax.
Khamiistii ayuu ahaa qorshaha in doorashada Aqalka Saree ee Hirshabeelle la soo gaba-gabeeyo, haseyeeshee arrimo jira awgood waxaa baaqday doorashadaasi, waxaana Magaalada Jowhar lagu doortay 5 Senator oo kamid noqday Aqalka Sare.