Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya ee qeybta ka ah Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia waxay sheegeen inay fuliyeen Hawlgal ay ku soo qabteen dooni hub waday oo maraysay Gacanka Cadmeed.
Saraakiil ka tisan Ciiddanka la socda Markabka Dagaalka ee INS Sumayna oo la hadlay Wakaalladda Wararka Press Trust of India ee PTI ayaa sheegay inay fuliyeen Hawlgal degdeg ah, kuna soo qabteen Dooni ay saarnaayeen 4 qoryaha AK 47 iyo Hal qori oo nooca Boobaha Fudud.
Hawlgalkaasi waxa uu ka dhacay meel 25 nautical mile ka baxsan Xeebaha Somalia, kuna dhow Jesiiradda Socotra Island ee dalka Yemen.
Saraakiisha waxay sheegeen inay Doonida sii daayeen, kadib, markii hubkaasi laga qaaday, si looga hortago inay u isticmaalaan falal la xiriira Hawlgalladda Burcad-baddeeda ka wadaan Xeebaha Somalia.