Dooni ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed ayaa la shaaciyay in manta ay ku gubatay dekedda sharjah eek u taala wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta.
Doonta ayaa magaceeda lagu sheegay Naghe Makhdumi waxaana ay waday alaabo ganacsi taas oo la shaaciyay in ay kusoo wajahneed dekedda boosaaso.
Dabka ayaa ka kacay doonida dhexdeeda hase ahaate waxaa la shaaciyay in lagu guuleestay in la badbaadiyo shaqaalihii saarnaa doonida oo garay ilaa 16 qof.
Sikastab dhacdada ka dhacday Dekeda Sharjah oo ka mid ah Dekedaha ugu horeeya dalalka Khaliijka ayaa la mid ah midii todobaadkan ka dhacday xeebaha Gobolka Bari.
Waa doontii labaad oo mudo todobaad gudohood uu dab ka kacay taas oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.