Millatariga Mareykanka ayaa Sabtidi shalay weerarki ugu horreeyay oo dhinka cirka ah ka fuliyay Soomaaliya, tan iyo marki uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Donald Trump.
Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Sabtidi sheegay, in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ay fuliyeen weerarka iyaga oo ku socda amar uu bixiyay madaxweyne Trump iyo iskaashi ay arrintaasi kala yeesheen Dowladda Soomaaliya.
Qiimeyn horudhac ah oo ay sameysay Waaxda Arrimaha Gaashaandhiga ee Pentagon-ka ayaa lagu ogaaday, in weerarka lagu dilay dhowr ka mid ah malleeshiyada kooxda Daacish, isla markaana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna xalay xaqiijiyay in uu amray weerar cirka ah oo ka dhan ah madaxda kooxda Daacish ee Soomaaliya.
“Gacan ku dhiiglayaashaasi oo aanu ka helnay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya godad, ayaa khatar geliyay Mareykanka iyo xulufadeenna. Duqeymaha ayaa burburiyay gudadki ay ku noolaayeen, waxana lagu dilay in badan oo ka mid ah argagixisada iyadoo aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.” Ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Dhankeeda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Howgalkaasi la fuliyay, ayna iska kaashadeen Soomaaliya iyo Mareykanka