Madaxweynaha la-doortay ee dalka Maraykanka ayaa ka laabtay hadal uu Ololihiisa Doorashadda ku sheegay inuu xiri doono Hillary Clinton oo kula tartantay Xilka Madaxtinimadda ee dalkaasi.
Dinld Trump ayaa hadalkasi ku sheegy Wareysi uu xalay siiyey Telefishinka CBS, wuxuuna tilmaamay inuusan dhaawici doonin Hillary Clinton iyo Qoyskeeda.
Horey ayuu Dond Trump ugu hanjabay inuu xiri doono Hillary Clinton oo iyada la sheegay inay E-mailo Khaas ah adeegsn jirtay muddadii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalkasi.
Barayaasha Hay’adda Dembi-baaraysha Maraykanka ee FBI-da waxay horey labo jeer u baareen E-mailladda Hillary Clinton, iyagoo sheegay inaysan wax Dembi ah gelin.
©Radio Dalsan