Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka waxay Websate-kooda ah whitehouse.gov ku soo daabaceen War-saxaafadeed ku aadan Qoraal uu Madaxweyne Donald Trump u kala diray Afhayeenka Aqalka Wakiilladda iyo Gudoomiyaha Senedka ee dalkaasi, taasi oo uu faahfaahin kaga bixiyey Hawlgalladda Milliteri ee ay Ciiddanka Maraykanka ka wadaan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Afganistan, Syria, Iraq iyo Yemen.
Qoraalka Madaxweyne Donald Trump waxa uu si gaar ah ugu xusay inay Ciiddanka Hubeysan ee dalkiisa ay Hawlgalo ka wadaan Somalia, oo ay kula jiraan Ururka Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay inay Ciiddankiisa tiro duqeymo Diyaaradeed ah la beegsadeen Deegaanadda ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay Milliteriga Maraykanka taageero dhinaca La-talinta siiyaan Ciiddanka AMISOM , isla markaana ay Hawlgalladda kala qeyb galaan Ciiddanka DFS iyo kuwa ka kal socda dalalka Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Madaxweyne Trump waxa uu qoraalka uu u kala diray Afhayeenka Aqalka Wakiilladda iyo Gudoomiyaha Senedka ee dalkaasi ku xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Kenya, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo waxa u uugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ee ku sugan Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.
Warqadda uu Donald Trump u kala diray Afhayeenka Aqalka Wakiilladda iyo Gudoomiyaha Senedka ee dalkiisa, waxa kale oo uu ku sheegay inay Ciiddamo Maraykanka loo dada-gureeyey dalka Jabauuti, kuwaasi oo ka qeyb gala Hawlgalladda lagula dagaalamayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo Gacanka Carbeed, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddamadaasi heegan ugu jiraan inay Taageero Gurmad siiyaan Safaaradaha Maraykanka ee Gobalka haddii loo baahdo.
Si kastaba ha ahaatee, Qoraalak Madaxwyene Trump ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladda Maraykanka dhawaan Safaaradooda dib uga furteen Somalia 26-sanno kadib.