Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqay inuu maamulkiisu canshuur dhan 25% ku soo rogi doono badeecadaha Colombia ay u soo dhoofiso dalka Mareykanka.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii dowladda Colombia ay diidday in ay hawadeeda oggolaato in ay maraan laba diyaaradood oo uu leeyahay millatariga Mareykanka, kuwaas oo xambaarsanaa muwaadiniin Colombian ah oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa si cad u sheegay in tallaabadan ay ku tahay jawaab aan ka laaban karin, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Colombia ay ka hor yimaadeen heshiisyo muhiim ah oo labada dal u dhaxeeyay.
Dhanka kale, Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, ayaa arrintan ka falceliyay, isagoo ku dhawaaqay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay ku jawaabto canshuur kordhin sidoo kale, iyadoo boqolkiiba 25 canshuur lagu soo rogi doono badeecadaha Mareykanka ee loo dhoofiyo Colombia.
Xiisaddan cusub ee ka dhex aloosantay labada dal ayaa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Colombia, taas oo horseedi karta in labada dhinac ay tijaabiyaan awoodooda diplomasiyeed iyo kuwa dhaqaale. Waqtigu waxa uu muujin doonaa sida arrintan u saameyn doonto mustaqbalka xiriirka labada dal.