Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay halkaas ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen diyaarado dagaal oo leedahay dowladda Kenya.
Duqeynta diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaano hoostega degmada Ceelwaaq ee Gedo, waxaana sigaar ah loo duqeeyay deegaanada kala ah Warbeele, buralaha Samaroole iyo golgola Cali, halkaas oo ay ku leeyihiin dad reer miyi ah.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku warramay in saq dhexe xalay ay maqlayeen jugta Gantaalo culus oo deegaano ku dhacaya, isla markaana ay dareemeen cabsi xoogan, sidoo kalena la maqlayay guuxa diyaaradaha duqeynta geystay oo joog hoose ku socday.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in khasaaro uu duqeynta kasoo gaaray xoolo, welina si rasmi ah looma oga khasaaraha kale ee duqeynta ka dhashay, taasi oo ka dhacday deegaano hoostega degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Maamulka degmada Ceelwaaq ayaan weli ka hadlin duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ka geysteen Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalin kahor qarax ka dhacay Ceelwaaq ku dhinteen saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen.