Saraakiisha Kurdishka iyo Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi ayaa sheegay in Daronis laga soo buxuiyey waxyaabaha qarxa lagu duqeeyey meel ku dhow Dhismaha Qunsulliyada Maraykanka ee laga dhisayo caasimadda Gobalka Kurdishka ee Waqooyiga Iraq.
Ilaa 3 Diyaarado Daroonis ahaa ayaa lagu duqeeyey Guri ku yaalla Tuulladda Baragah oo dhowr Kiilomitir u irta halka laga dhisayo Qunsuliyada cusub ee Maraykanka
Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Qunsulliyada ayaa lagu cambaareeyey Duqeyntaasi, mana aha weerarkii u horeeysay ee Daroon lagu weeraro Xarumaha ay Maraykanka ku leeyihiin gudaha dalka Iraq.