Ciiddanka Dhulka iyo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa sheegay inay sii wadaan Duqeymaha ay ku hayaan Fariisimadda Alshabaab ku leeyihiin Gobalka Gedo, hal isbuuc kadib, weerarkii Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Saldhigga Ceel-cadde.
Diyaaradaha Dagaalka iyo Helikoptarada Hubeysan ee Kenya ayaa la sheegay inay duqeeyeen Deegaanadda Daar iyo Cali Maraykanka oo u dhow Degmadda Baardheere, halkaasi oo ay Milliteriga Kenya sheegeen inay ku yaallaan Fariisimo ay Alshabaab leeyihiin.
Wargeyska The Star oo Warbixinta qoray waxa uu xusay in sidoo kale la duqeeyey Bartilmaameedyo ku yaalla Deegaanka Raaxoole oo ku-dhawaad 40-KM u jirta Degmadda Diinsoor iyo Tuullooyinka Qodqod iyo Ceel-gaduud oo ka tirsan Gobalka Gedo.
Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Gedo ayaa ku eedeeyey Milliteriga Kenya inay dileen dad rayid ah oo ku sugnaa Deegaannadda la duqeeyey.
Guddoomiyaha Degmadda Garbahaareey, Nuur Maxamed Buraale ayaa sheegay in 10-qof oo rayid ah ku geeriyoodeen duqeyntii ugu dambeysay ee ay Diyaaradaha Kenya ka geysteen Gobalkaasi.
©Radio Dalsan              Â