Jeneral Sergey Rudskoy oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa sheegay in 9 Diyaaradaha Raashiya iyo 8 kuwa Turkiga si wadajir ah u duqeeyeen br-tilmameedyo ku yalla Degmdda Al-baab ee dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Aleppo.
Waxa uu intaasi ku daray inay markii ugu horreysay ay Raashiya iyo Turkiga si wadajir ah uga qeyb galeen Duullaankaasi lagu eegtay fariisimo ay Daacish ku leeyihiin Degmadda Al-baab.
Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay meel iska dhigeen Murankii Diplomaasiyadeed ee ka dhashay Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya ee lagu soo riday xuduudka Turkiga iyo Syria.
©Radio Dalsan