Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii ay diyaarada dagaal iyo ciidamo ka soo degay ay weerar culus ku qaaden saldhigo Al Shabab ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Mareerey ee gobolkasi.
Dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay iney maqlayen dhawaaqa jug culus iyo dagaal xoogan oo halkasi ka dhacay.
Waxa jira warar kale oo sheegaya in ciidamada weeraray Al Shabab ay ka soo degen seddex diyaarad sida ila wareedyo kale aan ka soo xiganay.
Ila wareedyo kale ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Mareerey ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo ka tagay dhinaca Afgooye iyo Al Shabab.
Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha iyo gacanta ku haynta deegaanka oo ay wararka qaar sheegayan in Al Shabab lagala wareegay.