Diyaarad Helikoptar oo uu la socday Madaxweynaha dalka Kolombiya, Ivan Dukue Markos ayaa shalay lagu weeraray Gobalka Katatumbo ee Koonfurta dalkaasi, una dhow Xuduudka dalka Fenesuweela.
Hadal ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kolombiya ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi ka badbaadeen Madaxweynaha, Wasiirka Difaaca iyo kan Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobalka NORTE DE SANTANDER.
Diyaaradaasi oo ay Ciiddanka Cirka ee Kolombiya leeyihiin ayaa waxay dhowr xabbadood kaga dhaceen meel ku dhow Marwaxadda dhakada sare kaga rakiban Diyaaradaha Helikoptarka .