Diyaarad Wada Imtixaanka Shaadiga ah ee dugsiyada Sare ee Dalka ayaa ka soo degtay magaalada Caasimada ah ee Laascaanood ee Maamulka SSC khaatumo,Waa Markii ugu horaysay 34 Sano ka dib Gobolada Woqooyi ee dalka ardaydoodu nasiib u yeeshaa imtixaanka Shahaadiga ee Dawladooda gaar ahaan Deegaanada Maamulka SSC khaatumo.
Iyada oo la filayo in Maalinta Berito ah guud ahaan dalka marka laga reebo degaannada Maamulada Puntland iyo Somaliland uu si isku mid ah uga billaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada soomaaliya ayaa sanadkaan markii ugu horreysay waxaa ka qeyb galaya ardayda kunool degaannada Maamulka Khaatuma.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Nuuro Mustaf Mukhtaar in dhawaan degaannada Maamulka Khaatuma iyo kuwa laga xorreeyay Al-Shabaab la geeyay Manhajka waxbarashada dalka, isla markaana imtixaanka sanadkaan ay ka qeyb geli doonaan.
Waxaa ay sheegtay in guud ahaan la gaarsiin doono imtixaanka degmooyinka iyo degaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray ururka Al-Shabaab, halkaas oo dib loo howlgeliyay Goobihii waxbarashada,Si kastaba sanad kasta dowladda Soomaaliya ayaa qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga, waxaana ka qeyb gala Boqolaal Kun oo Arday, kuwaas oo ku kala sugan Muqdisho iyo Gobolada dalka.