Dayaarad rakaab ayaa ka baxday dhabbaha dayaaradaha, dab ayaana qabsaday mar ay doonaysay in ay ku degto magaalada Sochi ee dalka Ruushka, ayadoo ay ku dhaawacmeen 18 qof, sida ay saraakiishu sheegeen.
Duullimaadka UT579, oo ahayd dayaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Utair Airlines ayaa waxaa saarnaa 164 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah, waxayna ka timid Moosko.
Fiidiyow ayaa laga arkay dab xooh leh oo ka kacay dayaaradda, ka dib markii ay ku dhacday deyrka garoonka dayaaradaha, ka dibna waxay ku sii dhacday gunta webi halkaa u dhow.
Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa waxaa soo gaaray gubasho, halka qaar kalena ay ku sumoobeen maaddada Carbon monoxide, sida ay saraakiishu sheegeen.
Afhayeen u hadlay garoonka Sochi ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha uu ku dhacay wadne xanuun daran intii lagu jiray hawlgalka samata bixinta.
Dayaaradda ayaa isku dayaysay in ay degto ayadoo ay jireen dabaylo iyo roobab xoog leh subaxnimadii Sabtida, sida ay ku soo warrantay warbaahinta Ruushka.
Halka hoose ee dayaaraddu xamuulka ku qaaddo iyo baal ayuu dhaawac soo gaaray ka dib markii ay ka baxday dhabbaha ay dayaaraduhu ku ordaan, ayadoo markaa ka dibna baalka bidix uu dab qabsaday.
Seddex ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa carruur ahaa. Dabka ayaa la sheegay in iminka la bakhtiiyey.
Guddi baaritaan oo Ruushka ka socda, ayaa bilaabay baaritaan dambi inay ku sameeyaan shilka.
Shil dayaaradeed oo isna ka dhacay garoonka Domodedovo ee Moosko bishii Febraayo, kaasoo khasaare nafeed dhaliyey, ayaa keenay in uu welwel ka dhasho bedqabka dayaaradaha dalka.
Waa shilkii 3aad ee ugu weynaa shilalka dayaaradaha ee dalkaas ka dhacay tan iyo 2015.