Diplomaasiyiin ka socda Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Madaxda Puntland ku qanciyaan inay ka laabtaan go’aanka ay ku diidan yihiin Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5
Wafdigaasi oo ay ka mid yihiin Danjirayaal iyo Ergooyinka Caalamka ee u qaabilsan Arrimaha Somalia, ayaa waxaa ka go’an inay Puntland ku qanciyaan inay ka laabtaan go’aankaasi oo u muuqda Isbaaro Siyaasadeed wax u dhimi kara Nidaamka Doorashooyinka lagu wado inay Somalia ka dhacaan dabayaaqadda sannadkan.
Wakiilladda Caalamka waxa u qorsheysan inay la kulmaan Madaxweynaha Puntland,  C/weli Maxamed Cali “Gaas†iyo Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isagana booqasho ku jooga magaalladda Garowe.
Diplomaasiyiinta ayaa la filayaa inay Madaxda Puntland u gudbiyaan Farriin ay ka wadaan Beesha Caalamka, oo ku baaqayo inuu muhiim yahay Tanaasulka Puntland si loo sii ambaqaado Tubta Doorashooyinka Somalia.
Madaxweynaha Puntland oo isaga iyo Maamulkiisa lagu soo doortay Nidaamka 4.5 ayaa waxa uu weli ku adkeysanayaa in Nidaamka Doorashooyinka lagu saleeyo Nidaam Deegaan, oo aan lagu soo xulin Nidaamka 4.5
Dabayaaqadda Bishii Janaayo ee sannadkan, waxay Dowladda Federalka go’aan ka soo saareen Nidaamka Doorashadda Labada Gole ee Barlamaanka, iyadoo ay Maamul-gobaleedyadda oggolaadeen, marka laga reebo Maamulka Puntland oo ilaa iyo haatan lag uqancin la’ yahay inay tanaasul sameeyaan Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia.
©Radio Dalsan