Danjiraha Dowladda federalka Ethiopia uga wakiilka ah dalka Imaaraadka Carabta, C/qaadir Risku ayaa sheegay inay mashaakil ku qabaan Alshabaabka Somalia, wuxuuna xusay inay sii wadayaan dagaalladda ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Danjiraha waxa uu tilmaamay inay Kooxda Daacish yihiin kuwa dhibaatadda ku haya dalkiisa, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay si arxan-darro ah Muwaadiniin Ethiopian ah ugu gawraceen gudaha Liibiya.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxda Daacish dileen dad aan waxba galabsanin oo doonaysa inay ka sii tahriibaan Libya.
Danjiraha Ethiopia uga wakiilka ah dalka Imaaraadka Carabta, C/qaadir Risku waxa kaloo uu tilmaamay inaysan Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisadda aysan matali karin Diin kasta, waa sida uu hadalka u yiri.
“Ma jirto Diin oggolaanayso sidaas. Islaamka micnihiisa waa Nabad. Qofna xitaa looma oggolaanin in sabab la’aan dilo xayawaanka, iskaba dhaaf Aadanaha†ayuu yiir Danjirahaasi oo intaasi ku daray inay kooxahaasi jebinayaan Sharciga Ilaahay.