Degmada Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa saakay waxaa la sheegayaa in xiisad colaad ay ka taagan tahay, taas oo mudooyinkii dambe jirtay.
Dadka deegaanka bursaalax ayaa sheegay in colaada ay ka dambeysay kadib markii nin horey loogu dilay degmada,isla markaana shalay nin oo la sheegay in dilkii hore loogu aarayo lagu dilay deegaan lagu magacaabo kalabayr oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Dilalkaan ka dhacay Degmada Bursaalax ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo la xiriira Aano qabiil,iyadoo weli ay taagan tahay xiisad colaadeed.
Dhinaca kale Waxgaradka ku nool bursaalax ayaa ayaa ku baxay colaada jirta si loo damiyo ,waxaana lagu wadaa in la kala dhexgalo dadka isku dilaya Aano qabiil.
Inta badan dadka reer Miyiga ah ayaa waxaa dhexmara colaado salka ku haya is qab qabsi , daaqsin, Ceelbiyoodyo iyo Beeraha intaba, waxaana dagaallo dhexmaro dhexdooda ka dhasha khasaarooyin kala duwan oo mid nafeed ay ka mid tahay.