Waxaa Maanta fagaare ku yaalla magaalada Kismaayo lagu toogtay Xasan Cabdullaahi Cabdi oo sanadkii hore si bareer ah tooreey hooyadiis dhashay ugu dilay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda Maamulka Jubbaland.
Maxkamada Darajadda 1-aad ee Kismaayo ayaa xukunka dilka toogashada ahaa ku fulisay Xasan Cabdullaahi, kaasi oo kal hore Maxkamadda ku xukuntay dilka, kadib markii lagu helay inuu si bareer ah u dilay hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar.
Xasan ayaa kahor qirtay Maxkamadda inuu dilka geystay, waxaana ugu dambeyn maxkamadda ninkan dilka laga argagaxay horey u gestay ku fulisay xukunkii dilka ahaa.
Ninkan dilay hooyadiis ayaa kamid ahaa dhallinyarada qurbaha kusoo koray dalkana dib loogu soo celiyay dhaqan-celin ahaan, balse wannaagga hooyadiis la rabtay uu dhibsaday ayaa keentay in uu nolosha dhaafiyo.