Kooxo ku hubeysnaa bustoolada ayaa lagu soo waramayaa in maqribnimadii Caawa ay dilka geysteen Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.
Dilka ayaa goobjoogayaal waxa ay Dalsan u sheegen in loo geystay Nin ka mid ahaa dadka sida aadka ah looga yaqaano Isgoyska Bakaaraha nawaaxigiisa,isla markaana ka mid ahaa dadka ka Shaqeysta Isgoyska.
Dadkii ka dambeeyey dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxaana kusoo baxay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska balse aysan u suurtagelin in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas
Qof ka mid ah dadka ku  Ganacsada Isgoyska Bakaaraha ayaa sheegay in Dilka markii uu dhacay uu saameyn ku yeeshay,isla markaana isku-socodka dadka iyo gaadiidka uu mudo Saacad ku dhow hakad ku jirey.
Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in jawiga Isgoyska Bakaaraha uu yahay mid caadi ah oo sidii hore ku soo laabtey.