Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib israsaaseyn ka dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug
Israsaaseynta ayaa timid ka dib markii Koox dhalinyaro ah oo hubeysan ay qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha ka bilaabeen dhagax-dhig,waxaana dhagax dhigaas ka hor-yimid dhalinyaro kale taas oo keentay in ay israsaaseyn dhex marto.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ruuxa israsaaseyntaas ku dhintay uu ka mid ahaa ilaalada Garoonka,isla markaana Magaciisa lagu soo gaabiyey Birre.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Mudug aan la xiriirnay ayaa ka jawaabin taleefoonadeena si aan wax uga weeydiino israsaaseyntaas Maanta ka dhacday Magalada Gaalkacyo.
Xiisada dhalisay Gacan ka hadalka ayaa horay u soo jirtay balse wadahadal ka dib la xaliyey wallow Maanta ay dib u soo cusboonaatey.