Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.
Qof la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dilka loo geystay wiilka uu ka dambeeyay, kadib markii uu muran kooban dhex-maray Askariga iyo wiilka dilka kahor, isla markaana muranka oo dheeraaday, kadib uu rasaas Askariga ku furay wiilka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda uu wiilka dhallinyarada ugu tegay Goob Ceel biyood oo uu ka shaqeynayey, waxaana Askariga la tilmaamay inuu rasaas ku furay wiilka oo durbadii goobta ku geeriyooday.
Askariga falkaas geystay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, wiilka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Looyan Dhagajun, isagoona shaqaale ka ahaa Ceel biyood ku yaalla gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilliyada qaarkood dilal bareer ah u geysta dadka shacabka ah ee aan waxba ka galabsan, waxaana marar kala duwan sidaan oo kale Askar ka tirsan dowladda ay u dileen wiilal dhallinyaro ahaa.