Guddiga isku dhafka ee doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho ka bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.
Guddiga doorashada ayaa u is Asteeyay Xarunta diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay noqoto Xarunta Aqalka Sare, halkaas oo lagu diiwaan-gelinayo Musharaxiinta ku loolami doonta xilka Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee afarta sanno ee socota.
Guddiga ayaa shalay soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa inay is diiwaan-geliyaan, waxaana Musharaxiinta is diiwaan-gelinta la siinayaa shahaadada caddeyneysa xilka Musharaxnimo, sidoo kalena ay bixiyaan lacagta diiwan-gelinta.
Musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa safario ugu maqan dalka dibadiisa gaar ahaan dlalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, kuwaasi oo laga filayo inay dib ugu soo laabatan Magaalada Muqdisho.
Doorashada Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qorsheeyay ina Muqdisho ka dhacdo 15-ka bishaan May 2022, waxaana xilka Madaxweynaha isku soo sharaxay Musharaxiin ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo siyaasiyiin kale.