Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in nooca Omicron ee ka farcamay Covid-19 aan la dhayalsan, isagoo sheegay inuu dilayo dadka adduunka ku nool.
Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujineysa in Omicron uusan aad u soo ridan dadka marka loo eego noocyadii hore ee Covid.
Balse tirada dadka uu ku dhacay ayaa culeys ku keentay waaxaha caafimaadka, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Isniintii, Mareykanka ayaa diwaangeliyay in ka badan hal milyan oo kiisaska Covid ah 24 saacadood gudahood.
WHO – oo ah hay’adda caafimaadka ee QM – ayaa sheegtay in tirada kiisaska adduunka ay toddobaadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo gudaha Americas ay kordheen 100%. Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay aysan tallaalneyn.