Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, (East and Horn of Africa Human Rights Defenders) Dr. Hassan Shire Sheikh ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda Maxkamadda lagu saarayo Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hussien Habre oo haatan ka socota caasimadda dalka Senigal ee Dakar.
Dr. Hassan Shire oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idacadda BBC-da London ayaa tilmaamay in ay tallaabo wanaagsan tahay in Hoggaamiyayaasha Afrikaanka ee dembiyadda gala in lagu maxkmaadeeyo gudaha Qaaradda, halkii loola tiigsan lahaa Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee magaalladda The Hague ee dalka Holland.
Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurto-gashay Maxkamadaynta Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hussien Habre waxa uu xusay inay Hay’addaha u dooda Xuquuqda Adaanaha dadaal xooggan u galeen sidii ay Garsoorayaal Afrikaan ah u maxkamadayn lahaayeen Hoggaamiyahaasi oo lagu eedeynayo dilkii 40,000 oo qof.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Adaanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxay si xooggan ugu ololeeyaan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee dalalka Somalia, Kenya, Uganda, Djibouti, iyo in lala xisaabtamo Dembiilayaasha had iyo jeer geysta tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.
Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, (East and Horn of Africa Human Rights Defenders) Dr. Hassan Shire Sheikh  waxa uu horey  booqashooyin Xaqiiqo-raadin ah ku yimid dalka Somalia, isagoo u kuur galay heerka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, gaar ahaan Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta iyo dadka Birri-ma-geydada ah.
Halkan ka dhageyso Codka:-
© Radio Dalsan