Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee Egypt Air, Turkish Airlines, iyo Qatar Airways ayaa si rasmi ah u oggolaaday inay dib u billaabayaan duulimaadyadoodii tooska ahaa ee Muqdisho, sida ay ogaatay Warbaahinta Dalsan.
Go’aankan waxa uu yimid kadib dadaal xoogan oo ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), ku bixisay xaqiijinta in xaaladda amni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ay tahay mid sugan, islamarkaana aysan jirin wax cabsi ah oo sabab u noqon kara in la joojiyo duulimaadyada caalamiga ah.
Go’aanka seddexda shirkadood ay ku hakiyeen duulimaadyadooda ayaa yimid kadib markii warar qaar ay sheegayeen cabsi laga qabo ammaanka garoonka, taasoo keentay walaac la xiriira badqabka hantida iyo hawlwadeennada shirkadaha.
Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas beenisay, iyadoo caddeysay in dacaayadaha laga faafinayo xaaladda amniga aysan sal iyo raad toona lahayn.
Dowladda Soomaaliya, oo ka falcelisay wararka ku saabsan suurtagalnimada hakadka ku imaanaya duulimaadyada caalamiga ah, ayaa si adag u beenisay wararkaasi, iyadoo sheegtay in amniga garoonka Aadan Cabdulle uu yahay mid la isku halleyn karo.
Dokumenti loo diray shirkadahaasi oo ay aragtay Warbaahinta Dalsan ayaa muujinayay lahjad adag oo lagula hadlay hay’adahaasi duulimaad.
Dokumentiga oo ka baxay hay’adda Duulista Hawada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tirtirsiiyay in dacaayadaha nabadgelyada aysan u qaadan kuwa jira, oo waaqici ah.
Dhinac kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, MD. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcihii carrabka ku adkeeyay in dacaayadaha laga faafinayo amniga caasimadda ay yihiin kuwa aan waxba u dhimi karaynin horumarka socda.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu dagaal kula jirto AS meel ka baxsan caasimadda, gaar ahaan deegaano 500 KM – (Shan Boqol oo Kiiloomitir) – u jira Muqdisho.
Sidaas darteed, waxa uu caddeeyay in dagaalladaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan karin xasilloonida magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan jirin sabab loo buunbuuniyo.
Hadaba maxay ka dhigan tahay dib-u-billaashada duulimaadyada caalamiga ah?
1-Sare u kaca kalsoonida caalamiga ah: Markii ay shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha sida Turkish Airlines, Qatar Airways, iyo Egypt Air ay dib ugu soo laabtaan howlahooda Muqdisho, waxay calaamad u tahay in kalsoonida beesha caalamku ay dib ugu soo noqotay amniga Soomaaliya.
2-Dhiirrigelinta ganacsiga iyo maalgashiga: Shirkadaha
diyaaradaha ee dib ugu soo laabanaya Muqdisho waxay sare u qaadi doonaan xiriirka ganacsiga ee Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.
Duulimaadyadan tooska ah waxay sahlayaan isu-socodka ganacsatada, maalgashadayaasha, iyo shirkadaha waaweyn ee doonaya inay ka howlgalaan Soomaaliya.
3-Horumarka shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha:
Markii hore, walaaca laga muujiyay ammaanka garoonka waxa uu sababay in hannaanka shaqo uu noqdo mid gebi-dhacleeya, taas oo abuurtay cabsi laga qabo in dad badan ay waayaan shaqooyinkooda. Hase yeeshee, dib u bilaabashada duulimaadyadan waxay keeneysaa in shaqooyinkii hore dib loo soo celiyo, ayna sii kordhaan fursadaha shaqo ee garoonka, hoteellada, iyo adeegyada la xiriira duulimaadyada.
Si kastaba ha ahaatee, Dib u bilaabashada duulimaadyada shirkadaha Egypt Air, Turkish Airlines, iyo Qatar Airways waa guul u soo hoyatay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaa cad in dadaalka ay dowladdu ku bixisay xaqiijinta amniga garoonka uu miro dhalay, islamarkaana ay shirkaduhu dib u heleen kalsoonidii ay ku wadi lahaayeen duulimaadyadooda Muqdisho.
Go’aankan waxa uu tusaale u yahay in dacaayadaha laga faafinayo xaaladda amniga ee Muqdisho aysan saameyn dhab ah yeelan, ayna suuragal tahay in Soomaaliya ay si tartiib ah dib ugu soo noqoto heerkeedii caalamiga ahaa ee isku xirnaanta duulimaadyada iyo ganacsiga.